logo Masuul Top 100 songs lyrics chart Contact


A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Kasdaraneey mp3 ahaan

Sawirka Omar Dhuule

Omar Dhuule

DajisVideo info Whatsapp

Our Snap: Lamaane

Embed

Fikradaada ka dhiibo heestan

Kasdaraneey lyrics

Kalgaceeylka baasee
dhaqso igu kadiyaaa
kooraha i saare.
Lyrics by Masuul.com

Isagaa kuleeylkiyo
kaarka iyo xanuunkaba
igu sii kordhinayee.

Adiguna Kasdaraneey
ii kaadin weeydoo
kohashada aan kuu qabo.
Ayeey kaa badeeysee!

Kol koolinteediyo
sidaan kuugu kululaa
kibirkaba ka qaadeee.

Koluun baad sidaydaa
kambaruursan meeloo
ana kurbada baas
ka kaaftoomi doonaa.

Adigana Kasdaraneey ,
ii kaadin weeydoo
kohashada aan kuu qabo
ayeey kaa badaysee!

Sidaan kuugu koobnahay
koleey maad iloowdeen
intaad koonka joogtee.

Ha ka tegin karaamada,
wataa kor iyo hoos
kaftan kugu sheegaye.

Waa karaa ilaahay
inaad kaalintaadii
kabashada biloowdoo
dabka ila ku laashee

Lyrics by: Dr Hussain

heesta ma shaqeeneeso fadlan nala socodsiiy
-- / --