VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Maanta gacan i sii mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Omar Dhuule
Maanta gacan i sii

Inaan beri gantaal bira
meel fog kaaga ganayooKuu
gaystay nabar wayn
Ood gama’i diidoo intaad gilgilo tidhi
Kugu reebay goob daran
Waan garansanee gardarada i saaroo

Hay gelin calooshee hayga goosanine
Manta gacan isii maanta gacan isii

Gubataye wanaageey golxob ii afaysoo
Anaa gaystay xumahee
Maynaan gudboonine ununka iga gooyee
Waan galabsadee
Waan garansanee gardara i saaroo
Hay gelin calooshee hayga goosanine
Maanta gacan isii maanta gacan isii
Hadii aad wax garad tahay garta laysma siiyee
Inaan guuray beriyoo
Aan galab caraaboo geyi dheer aan tegayoo
Kaa goostay taladii
Waan garansanee gardarada i saaroo
Hay gelin calooshee hayga goosanine
Maanta gacan isii maanta gacan isii
Nafsigii aan gaaxsadaa ilayn gaabin maayee
Raad kayga gurayoo
Imankaan gadhkaagiyo gondahaaga haystaa
Kaa rabaa gargaaroo
Waan garansanee gardarada i saaroo
Hay gelin calooshee hayga goosanine
Maanta gacan isii maanta gacan isii

codkii Omar Dhuule