VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Qadar dhacay canaan maleh - Lyrics

Qadar dhacay canaan maleh Qaladna waa la sixi jiray Labbada isku qalantana qaar kala dilaayoo isu qoonsadaa jira Calaf lagama quustee qaban qaabadaan waday qormadii aan dagi lahayn ayaan wali qorsheeyaa. Wadnaha dhiiga qaadiyo qalbigaa ku tabayee, Qayrkeed u roonay qiimaha aad leedahay waa inaan qorsheeyaa qodob qodob usheegaa. Qotonka iyo joogiyo qalabka iyo heesaha. Qunyar socodka laafyaha markaad lugaha qaadiyo. Waaxyahaaga waaxyahaa kala qoran. Dhexdaad qalanjo moodiyo qoortiyo cabaadhyaha. Sunayaasha qalinka leh timaha dhabarka qariyiyo. qosoolkiyo jaleecada waxaan kugu qiyaasaa ama kugu qadariyaa. Hablihii quraysheed qoomkii fardowsee. Qofkii qofkii adi ku eegiyo indhihii ku qaayibay waabay kuu qushuucaan. Qaadirkii ku uumaa quruxdii aduunyada kusiiyay qayboo. Laga qaadimaayee
Queue is empty
-- / --