VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Saluugla - Lyrics

Dhaxaad i sidatoo adi uun ku samraayoo Nafta kugu sasabayee Dhaxaan sir iyo caad waxii aad sameysaba u sacabo tumayee Ogow samirkii waa jiray waa seefta goostayoo sadkiisa dhamaadayee In suldaanku boqoryahay faqiir kuna saboolyahe in sibraar muqiil yahay oon saa'id lagu darin ila garo Saluuglaay Dhaxaan samaayo sixin iyo ahaa malab kuu yaal sintaadee Adiguna saluuglaay saadasha kheyrkiyo lumineysaayee Adiguna suleekhaay saadasha kheyrkiyo lumineysaayee Ogow samirki waa jiray waa seefta  goostayoo sadkiisa dhamaadayee iney siigada boor tahay saxansaxo udgoontahay Inanyahay sidaadaba marka hore salaan guud oo waliba soorya ah waa inaan ku siiyaa Marka xiga sirteenee saadasha wadatee u sacaba tumayee seetada laheydee Aan ku xiray sibraartee aan ku tuuray sanduuqee muftaaxeedee suubane saableyda hoosiyo sanbabada agtoodiyo wadnahaaga aan suray Sow adigaan ka saaree durba siiyay ruux kale Sadarkaas kii xigaa mid la socotka weeyaan waa baadi sirteydoo waxan aan ku suganahay Walow adi aad u sidatoo mudo aad i samreysoo ii sama faleyso salmadhigato  ka wacantahay Sidan aad maanta yeeshiyo saansaanta muuqda kaa siisan maayee Waa maxay saluuglaay sakaraan is dhaafsamay sidee buu xaalka kaa yahay
Queue is empty
-- / --