ma cirbaaba kuu da'ay
cagaar miyaa ka soo baxay
mise laba codlaysaye
caataad ka tahay

caku talo aduun
casho noolba aadmigu
waxbuu ku cibro qaataa

ilayn looma caal helo
ruuxa is cajibiyoo
intuu cagaha soo dhigo
ma cabiro dantiisee

cadawga iyo nacabkaba
taan ka caabiyaayaay
casho noolba inantaan
ALLE u cuskanaayaay

kulamaan coloobine
carab dalablebaan nacay

Exit mobile version