Heesta Xidigyahay - Lyrics
Xabadyahay waxaa tahay
xulasha haweenkoo
xaqiiqdii mid kula mid ah
wali lamaa xambaarinee
xuural cayn la moodey
xaragaada u dhalataay
gacmahaaga xaafada leh
markaan soo xasuustaba
xadantoodayee
xidig yahay an maa nool
xabaal baan dul aalaa
xidig yahay an maa nool
talo iga xanibantee
Xishoodka iyo edebtaba
midii loo xandoobshaa
xidig yahay dhakaygii
xigmad baad ku leedahay
xuural cayn la moodey
xaragaada u dhalataay
gacamaha xaada leh
markaan soo xasuustaaba
xadantoodayee
xidig yahay an maa nool
xabaal baan dul aalaa
xidig yahay an maa nool
talo iga xanibantee
Waxay tahay inan yahay
caashaqu waa xageygee
adna xariga ila qabo
xaq baan kuugu yeeshee
xuural cayn la moodey
xaragaadaa u dhalataa
gacmahaada xaada leh
markaan soo xasuusataba
xadantoodayee
xidig yahay anmaa nool
xabaal baan dul aalaa
ifka inta ku xay tahay
ayaan leyn kala xadin
hadii nala kala xado
ayaan leyla kaa xamanin