Heesta Dumar - Lyrics
Anoo casir soo baxoo
Waddada cagta soo mariyoo
Dumarku wada ciidayaan
Ayoow calan ii luloo
Aniguu caashaq
Iii caweeee
Maxaan calwa saadayoo
Maxaan cawa seexan waaa
Darteed la ii cadaadiyaa
Maxaan curaddaan jeclaay
Inteey ciirciirsadeen
Maxaa cudud la igu faanoo
Tii aan la cabsadoo
Alloow calaf iiga yeeel
Casiisoo ku cuskadee
Cadaabahan la i qabiyo
Culayskana iga yaree
Anoo caafimaad qaboo
Nolol caadiya ku jira
Cidna aan godab aan ka gelin
Ayaa caalyowga baas
Aniga caan layga dhigay
Maxaan caleen kuu luxoo
Maxaan cuud kuu shidoo
Awgaa la ii cuna qabtee
Maxaaan cadkii aan lahaay
Nasiibkaygii celiyay
Maxaa caadaalinaayoo
Aniga caasi la iiga dhigay
Alloow calaf iiga yeeel
Casiisoo ku cuskadee
Cadaabahan la i qabiyo
Culayskana iga yaree