Heesta Gacantaa - Lyrics
Gacantaa adigaa
Isku gowracdayee
God abeeso adigaa
Gashayoo go'deee
Meel gabiib ahaa
Gugu roob da'inee
Geed miraala aheen
Adigaa guratee
Maxaan kuu galaa
Ama iiga galee
Godobtaan adiga
Isku geysayee
Gafkii aad samaysayaa
Gadaal ka garataaye
Gacal walaal adigaa
Iska goysayeee
Gacalkaa iyo gobtaa
Lama garab maree
Sidaad u guurtay
Waa i gooysayeee
Garasho iyo haddaad
Galad leedahay
Abaalkiii aan galay waad
Ii gudi lahayd
Maxaan kuu galaa
Ama iiga galee
Godobtaan adiga
Isku geysayee
Gafkii aad samaysayaa
Gadaal ka garataaye
Gacal walaal adigaa
Iska goysayeee