madaay iyo aabahay
adigaan kaa aaminee
axdigaa ma illoobinee
ii arwaax ha i oominee

intee aadday ayaantaan
adaan kuu imidee
amaannaa heli waayee
adaan kuu imidee

uurkayga arwaaxisoo
adigaan kuu oomanaayoo
malla ooday ayaamahan
araggaaga la waayee

intee aadday ayaantaan
adaan kuu imidee
amaannaa heli waayee
adaan kuu imidee

duulaan libtuu rabaa
garabkaygaa ka duubanee
degdeg iigu diroo
duqoo hana daahinee
soo dadaal

intee aadday igaaryahoow
adaan kuu imidee
amaannaa heli waayee
adaan kuu imidee

Exit mobile version