Dadka lama agdhiginoo
Loomana ekeeninoo
Markaad yeri eektaba
Afar iyo tobanaadiyo
Iftiin soo ma moodaan

Ma ayadoo kaleetaa
Ifka lagu arkaayaa
Aqal lala galaayaa

Inay ayo wacantahay
Oo ay amaanto leedahay
Taan ishaarta ay tahay

Inta ila taqaaniyo
Malaha aan ogaysiin

Abyan waxa ay ku nooshahay
Aqalkoodu uu yahay
Isku raran akteediyo
Agagaarka ceelgaab

Aadaanka iyo Salaadiyo
?? Janaadee
Ama ubaxa geedaha
Onkad iyo hilaacee
Indhahay iga deeqdee

Ma ayadoo kaleetaa
Ifka lagu arkaayaa
Aqal lala galaayaa

Indhahayda waa sidii
Ayladu laga ugaadhoo (?)
Korka laga asteeyee

Waa arakti wacantahee
Yee Aroos unoqotaa

Abyan waxa ay ku nooshahay
Aqalkoodu uu yahay
Isku raran akteediyo
Agagaarka ceelgaab

Uurka uumistiisii
Ilaah baa abuuroo
Caqli lagama dhiminoo
Ceebna looma yeelinee
Waa ubad xalaal ah

Ma ayadoo kaleetaa
Ifka lagu arkaayaa
Aqal lala galaayaa

Ereyadaa ma badisee
Inta kaleba habeenka
Waxay aayado dheertahay

Edebta iyo asluubtee
Waa lagu aqoonsani

Abyan waxa ay ku nooshahay
Aqalkoodu uu yahay
Isku raran akteediyo
Agagaarka ceelgaab

Codsi By Maalmo fb

Exit mobile version