Samanada aduunkiyo 
Tii ugu sareesaay
Suuradeeda dahabka
Sina lagu heleeninee

Si kastaba u eego
Sad weeye wacanoo
Aan saluug lahayno

Saaxibayaal
Salaan iga gudooma

 

Sugnaan iyo wanaag 
Tii aan kasugayayee
Samaxaada qalbiga 
Tii lagu sifeeyaa

Si kastaba u eego
Sad weeye wacanoo
Aan saluug lahayno

Saaxibayaal 
Salaan iga gudooma

Saan qaadka laafyaha
Tii ugu sareesaay
Samaheeda badan
Sahal lagu heleeninee

Si kastaba u eego
Sad weeye wacanoo
Aan saluug lahayno

Saaxibayaal 
Salaan iga gudooma

Exit mobile version