Heesta Dawadii Naftay ahaydey - Lyrics
Wanaag baan kugu ogaayeey
waligay kuma ilaawoo
waxuunbaa ku walaacinaaye
walaalnimo aan ku waarno
wadnahaygii baad ahaydee
taan dunida ka weheshenaayey
dadkoo idil ka daawanaaye
daawadii naftay ahaydey
samantaa la wada wadaagaa
hoy sirta laga wada xumaadaa
subaxdii eebe keenaba
su'aal baad igu wadaayee
Waagii baryaba naftaydaay
adaa walaac ku abuuree
maxaa waajib weyn na saaran
adna aad ka weecanaysaa
wadnahaygii baad ahaydee
taan dunida ka weheshenaayey
dadkoo idil ka daawanaaye
daawadii naftay ahaydeey
samantaa la wada wadaagaa
hoy sirta laga wada xumaadaa
subaxdii eebe keenaba
su'aal baad igu wadaayee
Warsan baan kugu ogaayey
waaxyahaygii baad ahaydee
wadajirkeena oo wacan
maxaad u wareerinaysa
wadnahaygii baad ahaydee
taan dunida ka weheshenaayey
dadkoo idil ka daawanaayeey
daawadii naftay ahaydeey
samantaa la wada wadaagaa
hoy sirta laga wada xumaadaa
subaxdii eebe keenaba
su'aal baad igu wadaayoo