Heesta Godoon - Lyrics
Go’doon
Asaageenu guulbay
Gacmaha is haystaan
Talay wadda gorfeeyeen
Ayey meel ku gaarayn
Annakuna go’doonbaan
Goobaha ku kala naal
Adaa gaystay mahadhada
Garabsiiyey nacabkoo
Gees maray wanaagoo
Walli aan garwaaqsanoo
Meel kale u geediyaa.
Mala waadan garanayn
Caashaqa guntiisiyo
Macnihiisa guudiyo
Dawadiisa gaarkaa
Gacanbaad I siin lahayd.
Anna gacalkaan kuuqabo
Hurdo wayga guurtoo
Gam’iwaayey awgaa
Goordhexe habeenkaan
Gocoshadaa xanuunka leh
Ka socdaalaa gogashoo
Kugu doonaa guuraha
Waxaan sii gocleeyaba
Markaan gaaro hoygaa
Kaama helo af garashiyo
Samma gudashadood.