waxaan adiga moodee
waa meel habaasooo
walaacaw ka baxayoo
laga wada hayaamee

hugunkayga baxayo
hadimadii jacaylkaa
maanta i halesshoo
RABI igu hagaajee

han qaloocsi kacayeey
naftu heedadawdee
waxay haabo leedahay
wali may haleeline
ma hadoo heshiisyo
hadal naa dhaxeeyay
inaad kala halaysaa

hadhuubkii aan kuu siday
aan kula hortaagnaa
adaa u hubsan waayoo
hareeraha ka dhaafee

laba aan is hurinbaan
waligay u haystee
aan ku hanbalyeeyee
ma mid kalaad la haystaa

Exit mobile version