VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Inkastuu dadkuba - Lyrics

Inkastuu dadkuba Danta oo dhextaal Daldaloola hoosiyo Laga waayin damac xumo, Balse waxaa ugu daran Ruuxa dowga seegoo Siduu doono yeelloo Garaadkiisu daadihin, Damiirkii ka tegayoo Iimaankii ka duuloo Diintii hilmaamoo Shaydaan ku duufsaday. Anigoo daryeelkaa Ku didaala sharaftaa Kuu diyaarsha nolal wacan Samma kuula duubanoo Kaa duwa dhibaatada Maxaad iigu darantahay? Intaa waa digtoontahoo Waxaad eegin dacalladda Waxaad duugin sirahoo Dulmaad ii maleegtaa! Aniguna daraadaa Fakar baan ku daaloo Maan daayo gocoshadaa Degi waayey maankay, Shaxdaad ii degaysiyo Dibindaabyadaadaan Runtaad igu dafirin Marbay dabad u soo bixin.
Queue is empty
-- / --