VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta La dabaalo caashaqa - Lyrics

Dumar kale ma caashaqin Hadal danbe kumaan oran Doqaagu wuxuu rabo Kolan daynba kuu galo Wali diiday kuma odhan Dadku wuu dagaalaa Dabadeed heshiiyaa Inaad raacdo duul kale Ma wax loo dulqaataa Naftaydii  diidayoo Kama daadegaysee Adaa seegay dawgee Iga durug walaaleey Haatan dayradaadaa Ku dadaalayayoo Ima diirinayside Ogow dumarku kaa badan Waan kaa dal doorsaday Dusha hayga xaganine La dabaalo la dabaalo caashaqa Waan kaa dal doorsaday Dusha hayga xaganine La dabaalo la dabaalo caashaqa Dambi kaama aan gelin Duleed kagamaan tegin Hablaha da'aadana Daandaansi daayoo Dibnahayga uma furin Adigay daraadaa Dakharadu I gaadheen Inaad iiga durugtaa Ma wax loo dul qaataa Daruur ii da'aysiyo Dabayl caafimaad baan Deeqooy ku moodee Waxad tahay qof  ii daran Haatan dayradaadaa Ku dadaalayaayoo Ima diirinayside Ogow dumarku kaa badan Waan kaa daldoorsaday dusha hayga xaganine La dabaalo la dabaalo caashaqa Waan kaa daldoorsaday dusha hayga xaganine La dabaalo la dabaalo caashaqa Danbigaanba waxa dhigay Wadnahayga doqonkee Kaa doortay dumarkoo Aad daryeeli waydoo Wali daacad kuu qaba Dad buu ku moodee Adiguna dab naariyo Inaad dacal ka goysaa Ma wax loo dul qaataa Dayaxoo aleeliyo Waa duulkii suleekhaan Dadka kaaga soocdee Waxaad tahay habeen dama Haatan dayradaadaa Ku dadaalayaayoo Ima diirinayside Ogow dumarku kaa badan Waan kaa daldoorsaday dusha hayga xaganine La dabaalo la dabaalo caashaqa Waan kaa daldoorsaday dusha hayga xaganine La dabaalo la dabaalo caashaqa
Queue is empty
-- / --