Nafteydiyay hafulin
Laamoo ka fiirso
Maanto X2

Faa'ido maahoo
Yaynan kula foganoo
Yaan fudeed ku qadin
X2

Fiidkiyo aroortaa
Kala fula ayaankee
Ficil yuuku jiirine
X2

Jaceel igu fidaa
Wadnaha i fariistoo
Rabi igu fidmee
X2

Faduul weeye ruux
Maqan adigoon ka
Faashan waxad
Ugu faqaysaa X2

Fiidkiyo aroortaa
Kala fula ayaankee
Ficil yuuku jiirine
X2

Meel firiyo boor
Badan yaad faran
Dulaysoo faras
Baad ku duushee
X2

Fiinkaa ciyaayiyo
Foorida dabaysha
Faadumo ha modine
X2

Fiidkiyo aroortaa
Kala fula ayaankee
Ficil yuuku jiirine
X2

Waad forartaayoo
Kuma aad fayoban
Fataxadiyo diintee
X2

Cilmi kii faruur xiray
Feeraha ugalay qays
Laylaba u fiirsoo
X2

Fiidkiyo aroortaa
Kala fula ayaankee
Ficil yuuku jiirine
X2

Exit mobile version