Sahankii jaceylkaay
Salaadaha dhexdoodaan
Sahwiyaa daraadaa
Hurdadaan ka salalaa
Mana seexdo awgaa
Mudda badan ayaan sugayey
Inaan saami kugu hello
Saddex kugu xalaashado
Dabadeedna sabba wacaan
Subixii aan waarabaa
Nafta iigu sidigtahay.
Adna sacabka ha u tuman
Saadaasha beentaa
Aduunyadaan silsiladaa
Qofna kama salgaaroo
Saas kayeel adoolehbaa
Wadka laysku seegaa.

Soomaaliyoo idil
Dumarkoo safnaaday
Munaddoodii sannadka
Tii aan ka soocdaay
Waxaad iila simantahay
Quruxdeedii sidataa
Qorax soo baxaysoo
Qaarka sare u qaadoo
Guud suran badweyntii
Cirkoo sagal ku laran yahay
Sayrisay falaaraha
adna sacabka ha u tuman
saadaasha beenta
aduunyadan silsilada ah
qofna kama salgaadhoo
saa ka yeel adoo leba
wadka laysku seegaa

Exit mobile version