VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Awdaare - Lyrics

Anoo duurka dagoo Dabaco iyo libaax Iyo doonka yaxaas Dugaagsadee Darxumo iyo dandaraa Daawo moodee Igu dulqaad daa'imoo Soo daahiraa Dulmi ma duugmaayee Danbi ma duugmaaye Waa soo daahiraa Awdaare duulaa igu soo dagaayee Dubay hala ii tumeeiyo Waxii dawadiisa ahee Awdaare duulaa igu soo dagaa Noo soo diyaari gurbaan Diikoo Aan dheelnee Deen waa lagudaayee Dugsi waa la dhigtaayee Damiin waa la tumaayee Dabkii hore igu gubtaa Diirkeega hurooyo aana Weli damoo diidanee Soo daahiraa Dulmi ma duugmaayee Danbi ma duugmaaye Waa soo daahiraa Awdaare duulaa igu soo dagaa Noo soo diyaari gurbaan diikoo Aan dheelnee Awdaare duulaa igu soo dagaayee Dubay hala ii tumeeiyo Waxii dawadiisa ahee Anaa kaa durki waayee Daruur meel da'eesee Iyo dabeel raaxo ku mooday Darxumo iyo dandaraa Daawo moodee Igu dulqaad daa'imoo Soo daahiraa Dulmi ma duugmaayee Danbi ma duugmaaye Waa soo daahiraa Awdaare duulaa igu soo dagaayee Dubay hala ii tumeeiyo Waxii dawadiisa ahee Awdaare duulaa igu soo dagaa Noo soo diyaari gurbaan diikoo Aan dheelnee Duuduub igu dhaafee Waan kugu daalayee Dariiqaas iga qaad Daneestayee Dartii horaan kugu dugayee Diiday dooqaanee Duuduulka dhaafee Awdaare duulaa igu soo dagaa Noo soo diyaari gurbaan diikoo Aan dheelnee Awdaare duulaa igu soo dagaayee Dubay hala ii tumeeiyo Waxii dawadiisa ahee
Queue is empty
-- / --