Anoo duurka dagoo
Dabaco iyo libaax
Iyo doonka yaxaas
Dugaagsadee

Darxumo iyo dandaraa
Daawo moodee
Igu dulqaad daa’imoo

Soo daahiraa
Dulmi ma duugmaayee
Danbi ma duugmaaye
Waa soo daahiraa

Awdaare duulaa igu soo dagaayee
Dubay hala ii tumeeiyo
Waxii dawadiisa ahee

Awdaare duulaa igu soo dagaa
Noo soo diyaari gurbaan
Diikoo Aan dheelnee

Deen waa lagudaayee
Dugsi waa la dhigtaayee
Damiin waa la tumaayee

Dabkii hore igu gubtaa
Diirkeega hurooyo
aana Weli damoo diidanee

Soo daahiraa
Dulmi ma duugmaayee
Danbi ma duugmaaye
Waa soo daahiraa

Awdaare duulaa igu soo dagaa
Noo soo diyaari gurbaan
diikoo Aan dheelnee

Awdaare duulaa igu soo dagaayee
Dubay hala ii tumeeiyo
Waxii dawadiisa ahee

Anaa kaa durki waayee
Daruur meel da’eesee
Iyo dabeel raaxo ku mooday

Darxumo iyo dandaraa
Daawo moodee
Igu dulqaad daa’imoo

Soo daahiraa
Dulmi ma duugmaayee
Danbi ma duugmaaye
Waa soo daahiraa

Awdaare duulaa igu soo dagaayee
Dubay hala ii tumeeiyo
Waxii dawadiisa ahee

Awdaare duulaa igu soo dagaa
Noo soo diyaari gurbaan
diikoo Aan dheelnee

Duuduub igu dhaafee
Waan kugu daalayee
Dariiqaas iga qaad
Daneestayee

Dartii horaan kugu dugayee
Diiday dooqaanee
Duuduulka dhaafee

Awdaare duulaa igu soo dagaa
Noo soo diyaari gurbaan
diikoo Aan dheelnee

Awdaare duulaa igu soo dagaayee
Dubay hala ii tumeeiyo
Waxii dawadiisa ahee

Exit mobile version