wakhtiyow wareerkaa iyo waalidaa
walee waa cajiib waagii baryoo
wacdarahaa dhacaayana waa lagu
waana qaataa
wabi waa gudhaa wayso waa jabta
la is wanaajiyaa wax ku suub samaaye
waydaata weelka ka waraabisee
waana laga warami karee waajib miya
waji naag lahayne wali maa i tiraa
waaryaa kuma aqaan lama waari doone
waajib weeyi geerida oo yar iyo waynba
maraa

Exit mobile version