Heesta Gar miyaad ka leedahay - Lyrics
gabar yahay jacaylbaa
gufaacooyin roobiyo
gudbiyaan dabayluhu
gaadhsiiyan aadmiga
anaa kala dhawayniyo
adigana ma haysaa
jacayluhu ii gaadho
igu daray gantaalo
garab waaxayahaygee
hadaad ii garowdo
wax ka garato jacaylka
galad eebe weeye
gar miya ka leedahay
geed caleensan bixiyo
ubuxu gadaamo
gidiifyadu makada xidhay
alle muudka ka dhigee
jeegan giraansan
isku soo giraanso
curanaysa kurudoo
kii qurux ku gaadhe
ku dhibaysa socodkaay
hadaad ii garowdo
wax ka garato jacaylka
galad eebe weeye
gar miya ka leedahay