Heesta beri shalayto may noqon - Lyrics
adaa igu bilaabay
igu beeray caashaqa
kii haweenka badankii
beer laxawsi badanaa
waxaad beerka laabtiyo
baarka ii salaaxdaba
saw baxnaanadaadii
kugumaanan baylihin
hadii lloo buseelana
badhaadhada iyo khyaarkaba
marka loogu baaqay
buur dheer ka fuulaan
ogoow ogoow
hadaan soo baraarugay
kuu baahday maantana
botor aan ciyaarnee
adna baasha ila qabo
ogoow ogoow
markaan baahi kuu qabay
ku bandhigay jacaylki
waadigii i baal maree
iska dhigay biraan jabin
beri shalayto may noqon
bariidadeenii doraatiyo
bariidadii maxaa helay
beri shalayto may noqon
bariidadeenii doraatiyo
bariidadii kasoo gudub