VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhalan dhool - Lyrics

rajaan dhisayoo ka dhamee islahaa riyaan la dhacoo dhamaystir lahaa waxaan dhursug islahaa dheeftiisa gur lahaa beerban ha dhamee u taagdibi lahaa dhidiga mid qudhaan ku dhaadan lahaa dhabsii dumarkoo dhaarban u mari lahaa dhabanka xaada leh dhuunkan islaha is dhowrta yartoo ubad dhala lahaa ha dhaawiciniyo intii aan dhayi lahaa dhiigina midee intii aan dhihi lahaa miyay dhalanteed naftii ku dhuntoo miyaan dhalandhool ku dhabar jaraa dhayaaha jeela ku dhugo is laha dhaayaha wacanbaa dhagayso islahaa sidii dhibica ku dhaasha is lahaa mudaan dhafree hadhkaan u dhac lahaa jacayl dhababaan dhag is lahaa wadnaha ku dhigoo dhisban is lahaa haseeta dhacdaa qalbiga dhigtayo huqdaan ka dhaxlaa la kala dhacayoo ha dhaawiciniyo intii aan dhayi lahaa dhiigina midee intii aan dhihi lahaa miyay dhalanteed naftii ku dhuntoo miyaan dhalandhool ku dhabar jaraa
Queue is empty
-- / --