VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Dhunko - Lyrics

sidan kuu dhawranaayo inaad iigu dhago nuglaanto waa mid inaga dhaxaysee kaalayoo dhabankayga dhunko sidaan kuugu dhaadaanayo inaad iigu dhabar adaygto waa mid inaga dhaxaysee kaalayoo dhabankayga dhunko dhamays qurux taan ku dhaato lafaha dhuuxayga oo dhan adaa dhiiga ii dhaqaajee kaalayoo dhabta soo fadhiiso dhamow sharaf kaan ku dheehdow lug iyo dhabarkiyo laxaadkow adaa dhuuxa i dhalaashee kaalayoo dhinacayga joogso kolkaan ku dhugteen ku fiirsho dhankaaga markaan jaleeco sow ma dhaygag sow ma dhiirado sow jacayl dhaba ima dhex qaado dhamaan waaxyaha uma dhaadhaco sidaan kuu dheehaanayo inaad ii dhugasho eegto waa mid noo dhabawdee kaalayoo dhabankayga dhunko sidaad kugu dheefsanaayo inaad igu dhaqan samaato waa mid noo dhabawdee kaalayoo dhinacayga joogso dhaydiyo subagaan dhitaystay dhalaal badan taan ku dhaato adaa dhamiday i deeqee kaalayoo dhabta soo fadhiiso dhulkoo dhibicdii is gaadhoo dhirtuna ubixii magooloo adaa dheeli tiray naftaydee kaalayoo dhexdayda qabso
Queue is empty
-- / --