dhexdeena caashayqa ka abuurmay
dhedhen ku galiyay nafteydaa
dawaysay dhaawaca qalibaygag
daren ku dhalisay naftayda

waxaad ku dheertay niyadayda
dhaayahaad uroontahay aragayga
dhawaaqa codkiyo maqalkaaga
wey iigu dhantahay garab kaaga

kusoo dhawoow nolosheyda
u soo dhaqaaq jihadayda
macaan dhex kaalay dunidayda
macaan dhex kaalay dunidayda

habeen dharaar niyadayda
adaa dhex taagan maskaxdayda
dhumaha wadnaha tega idil koodba
adaa ku beeran dhiig mareenka

dheel dheel maaha galgacalku
ana u dhafraa rajadiisa
dhameysi dookha labadena
dhab weeyi qaali irumayso

Exit mobile version