waraaqaha dhanbaalada
wararkiyo fariimaha
hud hudkaan wakiishaday
fariintiisii waayee
wacantaan jeclaayeey
yaan la igaaga kaa warinee
warmihii jacaylkee
inay waax yahaygiyo
wadnahayga gaadhee
oo aan la wiiqmoo
wakinaayo socodkee
boodhari wadkii dilay
ee qays wan jalay
wadaday mareen
miyaad igu wadaa

wardaay nafsi waa warege
bal aan dhawrno waayaha
markuu waranka kulahelaye
ana wiiqaa meel dhigo ee

hatufkiyo wargaystada
wariyaasha caashaqa
hadba waxaad u nooshiyo
kama helo warkaagee
wehelkii naftaydaay
miyaad tahay warmoog
waalalaw naftaydiyo
walbahaarka caashaqa
waabaydan igu mudan
ee aan la wiiqmoon
wakinaayo socadkee

Exit mobile version