joogiyo jamaalkeeda
nafta jiidanaayoo
iigu wacan jacaylkiyo
inaan kuba jantaayee
myaan joogi karayaa
oo jiifsan karayaa
adon ilaba jogine
ninka raga jabkiisiyo
waxa jira ma qariyee
hodaneey nin kuu jaban
hadh ma u jiidi doontaa

sida joharad nuurtaa
kuu jeelanahayoo
jamshada aan kuu qabo
jidhku ii dubaaxshaa
ma jujuubi karayaa
qalbi ku janjeedhsamay
kaa jari karaaayaa
ninka raga jabkiisiyo
waxa jira ma qariyee
hodaneey nin kuu jaban
hadh ma u jiidi doontaa

Exit mobile version