VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Mugaabi Caashaqa ft yurub geenyo mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Qaadiro Jacayl
Mugaabi Caashaqa ft yurub geenyo

Qaadiro:
Waxaa tahay marleey dumar
Middii ugu sareesee
Marwadoodi noqataay

Sida mayaga roobkuu
Maanshayay dunidee
Naftu kaa maqsuudee

Gacantayda midigee
Mataantayda nolashay
Moolahu isiiyaay

Ha igu maalin iyo layl
Kalkacayl aan maalnee
U mugaabi caashaqa

Yurub:
Alla mahadii weeyee
Midkii iga maqnaayee
Mudo aan sugaayoo

Maalintaan ku halacsaday
Muxibadu iqaadoo
Maankay ku raacoo

Maskaxdayda hanatoo
Miirkayga qaadee
Sideen kaaga maarmaa

Ilaah milki iyo sharaf
Ha kusiiyo Maamuus
Mahad badan ku noolow

Qaadiro:
Qurux lama masuugee
Mii iyo magaalaba
Adigaa u muuq roon

Marayrkoo bislaadiyo
Ubax iyo  maankoo baxay
Nafta muhashadaydaay

Mas’aladiisa caashaqa
Miraha aan ka guranee
Macaaan, haiga dheeraan

Ha igu maalin iyo layl
Kalkacayl aan maalnee
U mugaabi caashaqa

Yurub
Murtiyahaan aqoon badan
Geesi aanan la mari karin
Rag mudanahiisoo

Maseexdoo habeenkii
Oomatada ma daayoo
Waa layga mudanyahee

Wuu midabo badanyahay
Waa maax jacaylkoo
Hadba soo murkacayee

Ilaah milki iyo sharaf
Ha kusiiyo Maamuus
Mahad badan ku noolow

codkii Qaadiro Jacayl, Yurub Geenyo