afkoo dhuxula dhaayaha indhaha dhalad wanaagaa
dhal dhalaalkan guudkaaga midabkaagan dhiinka a
dhaayaha u rooneey dhaqaaq joogsigaagiyo
doola ka qosolkaa i dilay

halki aad ku dhalatiyo dhudi lagu xambaaryeey
ma wax kula dhigmaa jiraa

dheemaneey dhul roob helay onkodkii ku dhacay
dhibicduna ku wayn tahay oo dhalanka geedaha
dhaayuhu ku dhugtaan
waxaad iila dhigantahay sida laanta dhidigoo
dhir iyo ubax ku yaalaan

Exit mobile version