Aduunyada waa wareegto
Waagii kastaba yimaada
Wax uun baa laga dhaxlaayee

Waqtiga aad jooogto maanta
Haduu adiga kula wacnaaday
Dadweenaha kugu wareegsan
Niba war wartoo yabaasan??
Bulashada qaar baa

Xaqiiqda waarankeeda
Hadduu wariyahu tilmaamo
Xogtiisu iyo waajibkiisa
Wargaysada hadduu ku faafo
Adigu wagar ha ugu qaadan
Wadkii dhimashada hamoodin
Ha weerarin aragtadiisa
Xur iyo qoolkana xa wiiqin

Shacbiyo waa wada walaalo
Walaayo haday ku siiyeen
Yar iyo wayn kuu codeeyee

Ayaantaa kursiga fuushay
Haddaad ruux wanaajin wayday
Hadduu suxufiga warkiisu
Websetyada ku faafshay
Sun iyo waabaayo, ha moodin

Xaqiiqda waarankeeda
Hadduu wariyahu tilmaamo
Xogtiisu iyo waajibkiisa
Wargaysada hadduu ku faafo
Adigu wagar ha ugu qaadan
Wadkii dhimashada hamoodin
Ha weerarin aragtadiisa
Xur iyo qoolkana xa wiiqin

Exit mobile version