Heesta Dhayal - Lyrics
Dhayal maahan jacayl
ruuxii dhayal moodayoo
Aniguu i dhibayoo
Dhalan rogay naftaydoo
Dhaawacay jirkaygee
Dhabta kaan jeclaayoo
Ka dhawaystay raggoo idil baa
Iga dheeraadayee
Iga dheeraadeee
Inkastoon u dhibbanooo
Weli dhaawacii qaba
Inuu isoo dhaweeyoo
Caashaqaana iga dhayo
Allihii i dhuubaan
Taladii u dhiibtee
Dhaqankiyoo asluubtiyo
Midkii loo dhammeeyoo
Dartii aan la dhuubtoo
Ha igu dhaafin dhiilee
Dhinacaaga ila qabo
Dhalin wada dhashaan nahay
Dhabna anigaa kuu jeceloo
Oon kaa dhammaan karin
Oon kaa dhammaan karaynee
Inkastoon u dhibanoo
Wali dhaawacii qaba
Inuu isoo dhaweeyoo
Caashaqana iga dhayo
Allahii i dhuubaan
Taladii u dhiibtee