Riyadaydibaa
Ii kaa rumaysoo
Anigaa runtii
Ku soo raadsadee
Rafiiqaygiyoow
Ha ii riiqinoo
Ha iga jabin rajada
Ha ii riiqinoo
Ha iga jabin rajada

Raga iyo haweenkuba
Ruuxba ruuxa uu rabo
Ayuu raadsadaa
Hadii aan ku rabin
Kuma raadsadeen

Reer aan dhisnoo
Aan ramas tagnee
Ii rumee riyada
Riyada riyadaa
I rumee riyada

Cishqi raagayabaa
Rismi ii dagoo
Ramad dhalay sidii
Olo reemayee
Reerkii guurayaba
Awrtii la rariyee
Rag ciidan sheeg
Awrtii la rariyee
Rag ciidan sheeg

Ileen waa rafaadoo
Raaxada aduunyada
Rodkii loo maree
Roobkii da,aa
Rays laga helaa

Reer aan dhisnoo
Aan ramas tagnee
Ii rumee riyada
Riyada riyadaa
I rumee riyada

Exit mobile version