inta dhoofka jecelee
dhul shisheeye wali arag
dhulka lagama maarmee
murtidaydaa dhuuxoo
dhadhan male qurba oo
waa lagu dhibtoodaa
calan aan idinku dhaarshee
dhulka waa dhulkiinii
waana dheeman iyo luul
waana dhaxal awoowee
dhaxalkiisa dhawra dhawra
dheeliga udiida udiida
jigjigiyo wardheer goday
qoraxey ifgooye afdheer
liibaan shiniilee ku
dalxiisa dhagaxbuur
aad raaxo dharagtide
xiisaan aan dhamaanbaan
uqabaa dhulkaygee
habeen iyo dharaarbaan
dheelalaawayaayoo
dhimashiyo wadmooyee
dhayal kuma ilaabee
dhulka waan ku dhaataa
inkastoon ka dheerahay
barwaaqada dhextaalee
dhirta midhaha bixisoo
iyo dhayda xoolaha
iigu dheef dirantahay
jigjigiyo wardheer goday
qoraxey ifgooye afdheer
liibaan shiniilee ku
dalxiisa dhagaxbuur
aad raaxo dharagtidee

Exit mobile version