VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Hibasho - Lyrics

sida hogosha roobkoo dadka oo haraad qaba hogoogana dushiisiyo ka hilaac hawd sare waa lagu hayaamee nafta hibasha galisee habeenkaynu kulanaa ana la i haleeloo hankalkaaga wacanbaa hiyigayga qaatoo hurdo seexan waayoo adiguna halyeygaygow raga hobolkiisow jacayl waa hantaaqee adigoon ihiifayn ma is heli karaynaa sida geel hayaamoo heemaalka quruxdiyo hanqiyo kooraha hugunka isku daraybaa kugusoo hirtaayoo waan kuu hanwaynahayoo heebadaada wacaniyo tamashlaynta hadalkiyo waa waxa ihodiyiyo hibashaan ku noolahee adiguna halyeyow raga hobolkiisow jacayl waa hantaaqee adigoon ihiifayn ma is heli karaynaa
Queue is empty
-- / --