Inoo halis yahay jaceyl
Hantaaqo iyo ciil ku bado
Inoo hagardaamo yahay
Anoo hayigayga galay

Halhees aan run moodayoo
Naftaydaan hunqaariyoo
Qofaan igu haysanbaa
Hanqalka u taagayaa

Siduu ii helay jaceyl
Hubaashii ii hinqayay
Miyaa ladayaa hurdoo
Dharaartii hargalaa

Hamiguu igu beeraybaa
Hirtiisa horsaydayaa
?
Cidlaan hiihaabayaaa

Waxaan u haliilayaa
Barasho hungoodayoo
Waxaan uhamuun qabaa
Nafaan ii hiilineenin

Siduu ii helay jaceyl
Hubaashii ii hinqayay
Miyaa ladayaa hurdoo
Dharaartii hargalaa

Exit mobile version