Jaceylka ii daranaa
Naftaydu udabacsanaa
Waagii dilaacaba
Woo iga darayaaa

Adna igama daweesidee
Dareenkaan igu fogaadee
Waad igu daawataayoo
Macaane waad igu daawataa

Caashaqan idaahsaday
Darajo kuma heleesidee
Macaanoo iga daweeye
Aboowoo iga daweey

Haboonkoo dumaayoo
Daruurtana madootahay
Idilkuna da’ayaaan
Adigana ku daydayaayee

Naftaydaa baa dagantahayoo
Dunida inta ku noolahay
Adaan kaa daawadaayoo
Macaan kaa daawadaa

Caashaqan idaahsaday
Darajo kuma heleesidee
Macaanoo iga daweeye
Aboowoo iga daweey

Exit mobile version