Heesta Ka caweey - Lyrics
caradii badneed iyo carab kuu imariyaa caqligayga lumiyoo ciso waan ka waayee
ciil baan laseexdoo cadhadaan latoosoo calooshaaan ka ooyoo waa i cadibay nin kaasuye
caqli xumahiiyow nabsibaa caruurtiyo cida ka dhex saaroo ana kuma ceshanayee ka cawee banaanada
naftii aad canaadaa cabanayso waliyoo aan calaacal deenayn cishadii timaadaba
cuq sow imaad galin cuqdad iguma beerinoo inaan kaa calool go'o adi sow igumaad curin
caqli xumahiiyow nabsibaa caruurtiyo cida ka dhex saaroo ana kuma ceshanayee ka cawee banaanada