Heesta Laabta - Lyrics
Ladanoow kaashaa
Iga raacay laylaa
Ladi waayay jiifkoo
Lalabaha jacaylbaa
I hoyaaminaayee
2×
Labxashada xasuustaa
Ila xiima yeeshee
Sida laab laabta xuushada
Uma baylalminaayee
Uma baylalminaayee
2×
Dhakaruura iyoo
Sida lulatay culaybaa
Laabtaa i lulmaysoo
Laqanyooday awgaa
Ladi waayay oonkee
2×
Labxashada xasuustaa
Ila xiima yeeshee
Sida laab laabta xuushada
Uma baylalminaayee
Uma baylalminaayee
2×