VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Ma ogtahay aboowow - Lyrics

Ma ogtahay aboowoow Inaan aragtidaadiyo Indhahaaga jecelahay Ma ogtahay abaayooy Markuu talaadaadiyo Aramida jacaylka Ku adkaysan waayee 2× Ma ogtahay aboowoow Urugada jacaylkaan La ilmaynayaayeey 2× Aniguba ilwaadeey Ifka waxa ku nool dumar Adaan kaa ishaartoo Naftu ku ogolaatee 2× Aasaaska guurkiyo Aroos aan yagleelnoo Udugtiisa taagnee Udugtiisa taagnee Hadii amarku saa yahay Aduunyada intaan la jiro Kaa ooyi maayo Axdigeen waan adkeenayaa Aasaaska guurkiyo Aroos aan yagleelnoo Udugtiisa taagnee Udugtiisa taagnee Hadii amarku saa yahay Aduunyada intaan la jiro Kaa ooyi maayo Axdigeen qaaligaa Waan adkeenayaa Umadii rasuulkoo Isu uura baan nahay Ogolaashahaygana Adigaan ku siiyayee Imakaba inoo tali Aqbalayoo go,aankaa Iyo aaminkaaga Abidkay intaan jiro Abaal ooridaydaay 2×
Queue is empty
-- / --