VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Sida sagal arooryaha - Lyrics

sida sagal arooryaad ama sagal barwaaqeed saamiyey sideedaba waad suurad wacantahoo sina kuguma dhaafee qaali ladan aniguba sidaan ahay saamigii kalgacalkaa yuusufow isaaqoo sidragayga qaatoo adaan kuu siloonahee jacayl aan sal guurayn saba iyo wanaag badan aynu guri samaynee samiira sacabka iidhiib jacayl aan salguurayn saba iyo wanaag badan aynu guri samaynee heedhe sacabka iidhiib sida saymo rooboo dhanka bari kasoo kacay dhirta saaca lagu qubay naftaa kuu sugnaatoo saxan saxo dareentee aniguba ma seexdoo hurdo waan ka salalaa sidaan ahay habeenadan talo waan isaseegnoo adaan ku sugaayee saba iyo wanaag badan aynu guri samaynee samiira sacabka iidhiib jacayl aan salguurayn saba iyo wanaag badan aynu guri samaynee heedhe sacabka iidhiib
Queue is empty
-- / --