sida sagal arooryaad
ama sagal barwaaqeed
saamiyey sideedaba
waad suurad wacantahoo
sina kuguma dhaafee
qaali ladan
aniguba sidaan ahay
saamigii kalgacalkaa
yuusufow isaaqoo
sidragayga qaatoo
adaan kuu siloonahee
jacayl aan sal guurayn
saba iyo wanaag badan
aynu guri samaynee
samiira sacabka iidhiib
jacayl aan salguurayn
saba iyo wanaag badan
aynu guri samaynee
heedhe sacabka iidhiib
sida saymo rooboo
dhanka bari kasoo kacay
dhirta saaca lagu qubay
naftaa kuu sugnaatoo
saxan saxo dareentee
aniguba ma seexdoo
hurdo waan ka salalaa
sidaan ahay habeenadan
talo waan isaseegnoo
adaan ku sugaayee

saba iyo wanaag badan
aynu guri samaynee
samiira sacabka iidhiib
jacayl aan salguurayn
saba iyo wanaag badan
aynu guri samaynee
heedhe sacabka iidhiib

Exit mobile version