Sababtii jacaylka
Sababada iga qaadoo
Saygii nafteedaa
Si xun ii galaayee
Somaliwaynee
Sidee baa wax yeelaa ?
Sahal maaha Caashaqu
Waa sayf qarsoonoo
Saydaha ku goysee
Samri waaye aniguyee
Somaliwaynee
Sidee baa wax yeelaa ?
Sanadan Ragii kacay
Adaa kugu sahwinayaa
Salma dhigo Dartaadoo
Samri waaye aniguyee
Somaliwaynee
Sidee baa wax yeelaa ?