tiiraanyadaa jacaylkiyo taahiisa caashaqa
dhaaxaan takoormoo la tukubay dhibtiise
tashi igu abuurtoo wadnahaad tibaaxdee
ha ku taagsan ruuxii tabantaabadaa jecel
intan laabta kaatirin ila tiigso noloshoo
kalgacaylka ila tabi beerkaad ku taalaaye
tabaabushada guushiyo tiigsiga aduunyada
wax dhan tabaalaa u tartamay hankaygee
inta libintu kaa tagin ila tiiri samohoo
taxliisha ila hano tuftu way haboontee

Exit mobile version