xiisahaad garaadoow igu gantay
wuu ila guuurguurtoo ila gudo

gaaaridii haweenkay gu,iyo dayr
amba waa I gubayaa ka gam,ee

galbiskaan sugaayiyo guri galkii
sawdigaa ka gaabshee iga guday

guunyadaa I ciishee Kuma gabeene
Kuma gees maraaye ila garoo

wiilhii goba sidaadoo gararasho
waa hayaha gilgilmay gamashiyaan

ii Samir gobaadeey galabsan baa
guul guul ku xigaysiyo gocoshadee

wadnihiyo gadhkiisaan kuggu gunto
geeraan ka xigayaa guri nin kale

amba wayga garanoo gabadh kale
usoo geed fadhiistoon ka geel baxshaa

giiijisoo guniga oo gaylanoo
gugani ka xiga gaaf igu aroos

gawraha habeenkii gabi dhacaa
gacalooy dartaabaan u guurayaa

wiilhii goba sidaadu garasha leh
waahaayaha gilgilimay gamashiyaan

ii Samir gobaadeey galab san baa
guul guul ku xigasyiyo gocashade

Exit mobile version