Heesta Balan - Lyrics
Balan waa ilaalin
Bogtana waa daween
Bille waa ilaahay
Boqorna waaba kalaggii
Guurkana ma baaba'o
Haddu lamaane barbaarshee
Haddu dhinacba loo wala
Baano looma heli waaye
Haday baahdu beentiyo
Buuraha iyo badweentuba
Bahaladu ma biibeen
Beegsigana ma goyseen
Baas weeye aan baran
Jacaylkii balaarnaa
Barbaartu ay ubogeen
Haddaad bacad ku tuurtay
Anna aan basteey ahay
Alla iga baxnaashee
Haddaad gooysay axdigii
Adiguna barwaaqiyo
Baraar rajeenin
Haday baahdu beentiyo
Buuraha iyo badweentuba
Bahaladu ma biibeen
Beegsigana ma goyseen
Baas weeye aan baran