Dhaymanee adaa
Wanaag aan dhamaan
Farxad ila dhamay

Intaa aan dhumin
Dhul shisheeya tagin
Dhaxalkii jacayl
Ila qaybsa oo
Qalbigaaga dhigo

Dhaymantii Habloodee
Dhamas qaaliyeedee
Aqalkaan dhiseenay
Arooskaan dhigaynaba
Waa inoo ka dhacaa
dhulkayna hooyo
Caradiisu dhayf tahay

Dhaymanee adaa
Dhalanteedka beenta ah
Iga dhowrayee

Intaan dhiman
Dhuuxa iga tagin
Jacaylka dhiiranoo
Dhiiga aan ku qoray
Qalbigaaga dhigo

Exit mobile version