Dumar gaaridoodii
GAyaan taan ka doortee
Garashada ku raacaayaa

Dayax guudka sare iyo
Iftiin gaara dunidaa
Adaa goob barwaaqiyo
Iga dhigan gun iyo nabad

Nafta gacal utahayoo
Waagii gaduutaba
WAYNE waxaan ka tuugaa
Guur inaan wadaagnoo
Gacalooy wadaagnee
Guur inaan wadaagnoo
Fartuunee wadaagnee

Nafta gacal utahayoo
Waagii gaduutaba
WAYNE waxaan ka tuugaa
Guur inaan wadaagnoo
Fartuunee wadaagnee
Guur inaan wadaagnoo
Macaaneey wadaagnee

Nafta caashaqa galisoo
Gunta beerka hoosiyo
Halistiiba gaaree

Gacalooy daraadaa
Ugu go’ay hurada oo
Galin dhaxe habeenkii
Muuqaaga goobaaa

Nafta gacal utahayoo
Waagii gaduutaba
WAYNE waxaan ka tuugaa
Guur inaan wadaagnoo
Fartuunee wadaagnee
Guur inaan wadaagnoo
Macaanee wadaagnee

Exit mobile version