Gabdhaha soomaaliyeed
Gaduudanoo quruxda badan
Gob iyo waa gacaladeen

waxayna ku gaaryihiin
Gayaankoodna ugu tagayn
Garashada hiddahiyo
Ganabshada gaarinimo
Gar celisna aan lahayn

Anna taan uguuxee
Runtii calafku ii galay
Gobanimmana aan uqirayoo
Guulaan ku mahadshaa

Gabdhaha soomaaliyeed
Garaad iyo haybad wacaniyo
ALLAA ku gargaarayee

Waxaan lagu gaari karin
Gacal lagu siiy waa
Go’aankoo  meel maroo
Gorfatanka iyo xaajadda
Xishoodka lagu garladay

Anna taan uguuxee
Runtii calafku ii galay
Gobanimmana aan uqirayoo
Guulaan ku mahadshaa

Exit mobile version