Heesta Gooxa - Lyrics
gayigoo barwaaqiyo
daymadiisi geel dhalay
gal xareedi jiiftiyoo
galbiskiyo cayaartii
wali waan u gooxaa
gayigoo barwaaqiyo
daymadiisi geel dhalay
gal xareedi jiiftiyoo
galbiskiyo cayaartii
wali waan u gooxaa
quruxdaan u guuxee
guule kugu manaystiyo
guushiyo jacaylkii
wali waan u gudanahay
gabadh garasho dheereey
gacala hooyadaabaa
garaadkeeda leedahay
gabadhaan jeclaadeey
socodkaagii geenyada
garabiyo kalsoonida
gaaridaad ahaydiyo
gurigii udgooonaa
wali waan u gooxaa
aduun galab caynlehe
wehelkaygii gaarka ah
qalanjooy gantaashaye
wali waan u gudanahay
gabadh garasho dheerey
gacalo hoooyadaabaad
garaadkeedii leedahay